Training
News

Training

April 07, 2026 | Event Date: April 04, 2026 | 42 views
TABABAR MUHIIM AH OO KU SAABSAN HOGGAAMINTA IYO MAAMULKA DUGSIYADA
( School leadership and Management)
===============#================
Saturday, April 04/2018
Kulliyada ayaa si rasmi ah u qabatay tababar muhiim ah oo ku saabsan School Leadership and Management, kaas oo loogu talagalay Mulkiilayaasha iyo maamulayaasha dugsiyada Gaarka loo leeyahay iyo Maamulayaasha Dugsiyada dowladda.
✨ Tababarkan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay Kulliyadu qabato, wuxuu diiradda saarayaa horumarinta hoggaaminta, maamulka hufan, iyo tayeynta waxbarashada waxaana Tababarkan bixinaya Khuburo ka socday Kulliyada.
Hadaba Tababarkan Maanta Qabsoomay Waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Mareeyaha Kulliyada Mudane:- Mahamed Ali Ayanle. Agaasinka Waaxda Barnaamijka Hormarinta Barayaasha ( TDP ) Mudane:- Abdi-Hakin Mahamed Ali. Madax Xafiiska Waxbarashada Ee M.M.J Mudane:- Nuur Mahamud Abdi.
Tababarkan waxaa kaso qayb Galay
🏫 Dugsiyada Dowladda ee kala ah:-
Sheakh Abdi salaan,Ayardagan, Sheakh Nur Issie, Hormud, Warsama Shil
🏫 Dugsiyada Gaarka loo leeyahay:-
Nobel, Bright Future, Wabari, Hadrawi, New Hikma, Kobciye, Alif, Tayo, Focus, Himilo, Caalami, Kulmiye, Gureys, Darajo Modern, Al-Safwa, Mustaqbal, Iftin, Al-Bushra
📚 Ujeedka Tababarkan waxaa uu Daarna
✔️ Hoggaaminta wax ku oolka ah
✔️ Maamulka iyo qorsheynta dugsiga
✔️ Kormeerka iyo qiimeynta waxqabadka
✔️ Horumarinta tayada waxbarashada
✔️ Qaababka hoggaaminta wax ku oolka ah (Effective Leadership Styles)
✔️ Kormeerka iyo qiimeynta waxqabadka (Monitoring & Evaluation)
✔️ Horumarinta tayada waxbarashada.